Daawo: Buurmadow oo sheegay hadal dad badan ka yaabiyey oo la xiriira geeridii Axmed Godane

Bulsha:- Boqor Cismaan Abuu Maxamuud (Buurmadow) oo kamid ah waxgaradka kasoo jeeda gobollada waqooyi (Somaliland) ayaa markii u horeysay shaaciyey inuu xarakada uga tacsiyadeeyay geeridii Axmed Godane, hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in xiligaas ay ka cabsadeen Odayaal dhaqameedkii lamidka ahaa inay ka hadlaan geerida Godane, balse asagu uu ka tacsiyadeeyay, maadama uu ahaa Nin ay tol yihiin oo reerka ka dhintay, sida uu hadalka u dhigay

“Waxaa dhacday AUN markii uu dhintay Axmed Cabdi Godane hogaamiyihii xarakada Shabaab ayaa Salaadiinteeni u soo dhacday BBC-da. Nin walba in uu ka hadlo way ka carareen, waa u tacsiyadeeyay,” ayuu yiri Boqor Buurmadow oo ka hadlay munaasibad lagu soo dhaweynayay.

“Waxaa idhi ninkaas isku caqiido ma aheyn oo isku meel uma aanu wada jeedin, laakiin nin tolka ah oo reerka ka dhintay ayuu ahaa. Isaga (Godane) iyo xarakadiisa, iyo reerka uu ka dhintayba qoys ayuu ka tirsanaa oo uu kasoo baxay waa ka tacsiyadeeyay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in marka laga yimaado dowladda federaalka ay gudaha Soomaaliya ka taliso dowlad kale oo uu ku sheegay xarakada Al-Shabaab, taasi oo uu madax kasoo noqday Godane.

“Waxaa idhaahda labo dowladood ayaa meesha ka dhisan, dowladda Shabaabka Dir ayaa madax ka ah oo weliba laguma tartamo. Waxaa rabaa Dirku inay isku soo dhawaadan.”
Boqor Buurmadow ayaa dhawaan soo gaaray caasimada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho oo si weyn loogu soo dhaweeyay, isaga oo markii dambe usoo gudbay xarunta maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo oo uu gaarsiiyay raali-gelin uu ka waday qaabkii foosha xuma ee loo musaafuriyay dadka kasoo jeeday maamulkaas










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment