Sawirro: Farmaajo oo maanta u baxay SAFAR dibadeed oo aan horey loo sii shaacin

Bulsha:- Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safar dibadeed oo aan horey loo shaacin maanta ugu baxay magaalada Doha ee dalka Qatar.

Farmaajo ayaa waxaa safarka ku wehliya Marwada Koowaad Saynab Cabdi Macallin, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xamsa Siciid Xamsa iyo Guddoonka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Cabdiqani Saciid Carab.

Sida ay sheegtay madaxtooyada, safarkan waxa uu qaadan doonaa laba maalmood.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri “Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta ciyaaraha iyo iskaashiga maalgashiga.”

“Booqashada Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah furitaanka Koobka Kubadda Cagta ee Carabta oo lagu marti qaaday Madaxda dalalka Carabta, si loo xoojiyo iskaashiga dhanka horumarinta ciyaaraha iyo is-dhexgalka dhallinyarada Shucuubta Dalalka Carabta, iyadoo Madaxweynuhu uu kulan-doceedyo la qaadan doono hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya Munaasabadda,” ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo ka war-bixiyay safarka Farmaajo.


Safarka Farmaajo ee Qatar ayaa imanaya xilli dalka ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed culus oo ka dhalatay boobka doorashada kuraasta golaha shacabka oo lagu eedeeyey inuu qeyb ka yahay.

Qatar waa dalka ugu weyn ee taageera Farmaajo, mana cadda haddii booqashada ay sidoo kale qeyb ka tahay arrimo siyaasadeed marka laga reebo ujeedka ay shaacisay Villa Somalia.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment