Nooc cusub oo cudurka Karoonaha oo lagu arkay qaar ka mid ah dalalka Caalamka iyo xayiraado looga dhawaawaqay

Bulsha:- Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku dhawaaqay nooc cusub oo coronavirus ah, kaasoo halis ku ah dunida kana sii qartarsan noocyada Karoonaha ee horay loo soo arkay, waxaana hay’adda ay u bixisay noocaan Omicron.

Hay’adda WHO ayaa sheegtay in markii ugu horreysay laga soo sheegay Koonfur Afrika 24kii Nofembar, waxaana sidoo kale lagu aqoonsaday Botswana, Belgium, Hong Kong iyo Israel.

Wadamo dhowr ah ayaa hadda go’aansaday in ay mamnuucaan ama xaddidaan socdaalka iyo dadka  imaanaya koonfurta Afrika.

Qaar ka mid ah dalalka caalamka ayaa sheegay in noocaan cusub ee Karoonaha oo ah midkii Afraad in ay ka hor tagi doonaan in dalalkooda uu soo gaaro.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in la xannibi doono duullimaadyada ka imaanaya Koonfur Afrika, Botswana, Zimbabwe, Namibia, Lesotho, Eswatini, Mozambique iyo Malawi, wixii ka dambeeya maalinta isniinta ah ee soo socota.

Wadamada, Hindiya, Iran, Japan ,Midowga Yurub iyo Switzerland ayaa sidoo kale si ku meel gaar ah u joojiyay duulimaadyadii tagi jiray iyo kuwii ka imaan jiray qaar ka mid ah wadamada koonfurta Afrika.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment