Gudoomiyaha Mursal oo Mar kale loo doortay Xildhibaan

Bulsha:- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa loo doortay inuu mar kale noqdo Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha ayaa u tartamayay kursiga sumadiisu tahay HOP182, isagoo helay codad gaaraya 88 Cod, ka dib doorasho goor_dhow ka dhacday Magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha Mursal ayaa horay loogu eedeeyay in kursigiisa aysan ku tartameyn Musharaxiintii u baahneyned, islamarkaana uu soo xushay qofka la tartamaya.

Doorashada golaha Shacabka ee hadda socoto ayaa ah mid lasii ogyahay natiijada doorashada.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment