Ciidanka PSF oo sheegay in aysan ka amar qaadan doonin maamulka Madaxweyne Deni

Bulsha:- Warsaxaafeed kasoo baxay ciidanka maamulka Puntland ee lagu Magacaabo PSF ayaa lagu sheegay in aysan ka amar qaadan doonin Madaxweynaha Puntland ka dib markii uu khilaaf xooggan ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay Agaasimihii Hay’adda.

Taliska ciidanka ayaa sheegay in ay u diyaarsan yihiin ka difaacida Shacabka Daacish iyo Shabaab, islamarkaana ay ka madax banaan yihiin arrimaha Siyaasadda.

Iyadoo aan tixraacayno dhacdooyinkii mudadan socday, PSF waxay soo saartay War-Murtiyeedkan

1. Waxay saraakhiisha iyo Ciidanka PSF u dhisanyihiin la dagaalanka argagixisa- dda iyo cadowga Puntland.

2. Waxaa loo soo faragaliey hawshii iyo maamulkii PSF si’aan waafaqsanayn xee- rarka iyo wadashaqeynta noo dhaaysa Dowladda, waxaana hagardaamadaan soo socotay muddo dheer oo aan ku sabirnay

3. Hadda waxay xaaalad  mareysaa saaxiibadeenii ciidanka kale ahaa in lasoo daabulo si’aan annagu isku dilno, saaxiibadeeen annaguna dili m ayno ayaguna na weerari mayaan.

4. PSF ka qaadan mayaan hawlgalada amni kuwii shalay cadowga la shaqeyna- yey oo annagu aan ka difaacaynay.

5. Ciidanka PSF iyo saraakiishoodda waa kuwo tayo iyo tabarba ku fiican kuna filan amniga shacabkooda insha allaah.


6. PSF waa ciidan aan ku milneyn siyaasadda iyo ururadda, haddana waxaa si’u la kac lihi loo faragalinayaa ujeed adaas awgeed.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment