Muxuu James Swan ka sheegay shirkii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay?

Bulsha:- Wakiilka Gaarka ah ee Xog-haya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya James Swan ayaa Golaha Ammaanka uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya.

Swan oo ay wehliyaan madaxa AMISOM Danjire Francisco Madeira iyo Caasha Siyaad oo ka mida aasaasayaasha Hindisaha Hogaamineed ee Haweenka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay qodbo badan.

Ugu horeyn, ergayga ayaa wuxuu soo dhaweeyey horumarka ilaa hadda la gaaray waxa uuna boorriyey in si dhaqse ah loo dhameystiro doorashooyinka Golaha Shacabka.

Diblumaasiga Ameerikaanka ah ayaa waxa uu soo jeediyey in liiska kuraasta loogu qoodeeyey haween la baahiyo iyo in xaqiijinta qoondada boqolkiba 30 ee haweenka la gaaro.

Danjiraha ayaa waxa uu ku carrabka ku adkeeyay in ka qeyb galka iyo metelaadda siyaasadda ee haweenku muhiim u tahay horumar iyo nabad waarta oo ay Soomaaliya hesho.

“Dib-u-dhacyada geeddi-socodyada doorashada ayaa sii wada inay hakiyaan horumarradii laga sameeyay hortebinnada qaranka oo ay ka mid yihiin dowladnimada, ammaanka iyo horumarka,” ayuu yiri Swan.

Wuxuu intaas sii raaciyey: “Xaaladda bini’aadamnimo ee Soomaaliya ayaa weli ah mid aad u xun, waxaana u sii dheer colaado joogto ah, barakac iyo jahawareerka cimilada”.




Ugu dambeyntii, sida laga soo xigtey Swan, qiyaastii 7.7 milyan oo Soomaali ah ay u baahan doonaan gargaar bini’aadannimo sanadka 2022, waana in ay arrintaas UN-ka il gaar ah ay ku eegto dhowaan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment