Liiska Shanta kursi ee Golaha Shacabka oo doorashadooda la qabanayo

Bulsha:- Guddiga Doorashooyinka dowlad Goboleedka ee Maamulka Galmudug ayaa Maanta oo Khamiis ah shaaciyey 5-ta kursi  ee ugu horeysa oo ay qabanayaan doorashadooda maalmaha soo socda.

Shanta kursi ee Golaha Shacabka ee doorashadooda dhawaan lagu qabanayo degaannada Dowlad Goboleedka Galmudug  ayaa waxaa ay kala yihiin:

1: HOP# 043 oo uu ku fadhiyo Xuseen Qaasim Yuusuf ( Iidow) oo kasoo jeeda Murusade.

2: HOP#054  oo uu ku fadhiyo Xildhibaan Abdishakur Ali Mire oo ah Marreexaan

3: HOP#104 oo uu ku fadhiyo Xildhibaan Mahad Abdalla  oo kasoo jeeda Awad=Dir Surre

4: HOP#067 oo uu ku fadhiyo  Xildhibaan Cabdullaahi Cali Ahmed (Adow Ali Gees) oo ah Abgaal Waceysle.

5: HOP#026 oo ay ku fadhido Xildhibaan Ikraan Aadan ahna Duduble Absuge.

Guddiga doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa wada qaban qaabadii u dambeeysay ee doorashada, waxaana Shanta kursi la filayaa inay doorashadoodu dhacdo horaanta todobaadka soo socda.


Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye( Qoor) ayaa xalay goob fagaaro ah kaga dhawaaqay in Saddex Maalmood gudahood ay ku qabayaan doorashada 5-ta Kursi oo kamid ah Golaha Shacabka, waxaana soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment