Khilaaaf ka taagan in xilka lagu wareejiyo Agaasimaha uu Deni u Magacaabay Ciidanka PSF

Bulsha:- Muddo laba maalin ah kadib waxaan weli lagu guuleysan in xilka lagu wareejiyo Agaasimaha Cusub ee Madaxweynaha Puntland uu u Magacaabay Ciidamada difaaca Puntland ee PSF.

Saraakiisha Sar sare ee Ciidamada PSF ayaa kasoo horjeestay xilka qaadistii uu Deni ku sameeyay Agaasimaha PSF-ta Puntland Maxamuud Cismaan Diyaano, iyaga oo soo baneeyay Saldhigyadii ay kaga sugnaayeen duleedka Magaalada Boosaaso.

Magaalada Boosaaso waxaa sababo la xiriira in xilka lagu wareejiyo Agaasimaha Cusub ee Deni u Magacaabay Ciidamada PSF u tegay Wasiirka Amniga Puntland iyo Xubno kale, iyaga oo ku guuldareystay kadib diidmo weyn oo ay muujiyeen Saraakiisha Ciidamada PSF.

Wasiir Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan  ayaa ku amray Dhamaan ciidamada PSF ee Boosaaso jooga in aysan xerada kasoo bixin, iyaga iyo Gaadiidkooda.

Wuxuu sheegay in xilku yahay meerto, wuxuuna ugu baaqay Maxamuud Cismaan Diyaano oo ah Agaasimihii uu xilka qaadista ku sameeyay Madaxweyne Deni  in aysan qaadin dhalinyaranimo, isaga oo ku hanjabay in cid aysan ka aqbaleyn in ay Amniga Khalqal geliso

Taliyaha guud ee Ciidamada difaaca  Puntland, S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere ayaa ka codsaday Agaasimaha xilka qaadista lagu sameeyay ee PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano in uu xilka wareejiyo.

Taliyaha Ciidanka difaaca Puntland Yaasiin Cumar dheere ayaa tilmaamay in aysan Boosaaso u baahnayn colaad iyo xiisad dagaal, islamarkaana aysan dowladdu diyaar u ahayn arrintaas haddii aan laga fursan waayin.


Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Saraakiisha Ciidamada PSF ay jawaab ka bixiyaan hadallada kasoo yeeray Waaiirka Amniga iyo taliyaha Ciidamada difaaca Puntland.




Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment