Wararkii ugu dambeeyey xaaladda deg degga ah ee Itoobiya iyo duqeyn ka dhacday Mekelle

Bulsha:- Guddiga xaaladda deg-degga ah ayaa kulan ay yeesheen ku qiimeeyay xaaladda guud ee wakhti xaadirkan ka jirta Itoobiya iyo tallaabooyinkii guddigu qaaday, waxaana ay caddeeyeen in xaaladda deg-degga ah loo fulinayo ujeeddadii laga lahaa.

Bayaanno cusub ayaa laga soo saaray oo ka kooban afar qodob oo lagu xoojinayo hawlgallada socda ee xaaladda deg-degga ah, si meesha looga saaro caqabadaha jira, waxayna ciidamada Ammaanka bilaabeyn howlgalo ay ku fulinayaan amarka kasoo baxay Dowladda.

Amarada cusub ee lasoo saaray ayaa waxaa kamid ah in dadka Shacabka ah looga digay inay xirtaan dareyska ciidamada Dowladda ee Booliska iyo Militariga, waxaana ciidamada ammaanka lagu amray inay tallaabo ka qaadaan ciddii lagu arko.

Dhanka kale, Duqayn dhanka cirka ah ayaa dhacday magaalada Mekelle ee gobolka Tigray, halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad farabadan oo ka tirsan xoogaga TPLF.

Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee Itoobiya ayaa la sheegay inay Duqaynta ka fuliyeen dhawr xarunta  oo ku yaalo Mekelle.

Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay duqeynta, waxaana xoogaga TPLF ay ku eedeeyeen Ciidamada Federaalka Itoobiya inay duqeynta la beegsadeen dad rayid ah.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment