Daawo Sawiriada: Safiirada Somalia ee Pakistan oo ku guuleysatay biladda safiirka sanadka

Bulsha:- Safiiradda Soomaaliya ee dalka Pakistan marwo Khadiija Al-makhzoumi ayaa maalintii shalay aheyd la gudoonsiiyey bilad sharafta qaaliga ah ee safiirka ugu wanaagsan ee sanadka 2021. 

Biladda sharaftaan ayaa ah mid dalka Pakistan uu sanadkiiba mar labixiyo, laguma abaalmariyo safiirada dalalkooda sida wacan ugu adeega ee fadhigoodu yahay magaalada caasimadda ah Islamabad.

Safiirad Khadiija waxay abaal marintaan ku kasbatay ayadoo muujisay howl karnimo, firfircooni iyo sida ay u hormarisay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Pakistan mudadii ay halkaasi safiiradda ka aheyd. 

Waxay muddadii ay xilka haysay ka shaqeysay mashruucyo badan oo faa’iido u leh dadka iyo dowladda Soomaaliya, sidoo kale ay ku jirto danta labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Pakistan.

Safiirad Khadiija ayaa sidoo kale ka shaqeysya caawinta iyo u adeegidda jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Pakistan, oo badankood ah arday dalkaas u tegay waxbarasho.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment