Musharax Daahir Geelle oo kulan la qaatay Gudoomiye Jawaari oo loo diiday in uu tartamo +Sawirro

Bulsha:- Musharax  Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa goor dhow ku booqday hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho gudoomiyihii ee golaha Shacabka Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaasoo dhawaan loo diiday in uu tartamo doorashada golaha Shacabka.

War uu soo saaray kulanka ayaa siddaan ayaa siddaan u qornaa:

“Galabta waxaan booqasho sharafeed ugu tagay Guddoomiyihi Hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo xeeldheere siyaasadeed iyo aqoonyahan Soomaaliyeed ah. Booqashadaydu ma ahayn middii ugu horraysay ee aan ugu tago, mar kasta oo aan jeclaysto in aan isbadbadallada siyaasadeed aqoon, caqli iyo waaya-aragnimo aan ka kororsado ayaan isaga u tagaa.

Laakin, booqashadayda galabta waxay ku saabsanayd in aan wax ka ogaado xaaladihi ugu danbeeyay ee ka soo qabsaday hannaan doorashadeedkan gurracan iyo safarki uu Baydhabo ku tagay, waxaana iisoo baxday labo arrimood oo waawayn:

Doorashooyinka in ay ku socdaan hannaan baalmarsan dastuurka, sharciga, qaanuunka iyo sooyaalka suubban ee ay Soomaalida leedahay. Wax la xurmaynaayo oo diin, akhlaaq, mudnaan, ama waayeelnimo ah in aysan jirin!
In Villasomalia ay wali hormuud ka tahay dabindaabyada, iyo duminta hannaanka dimuqraadiyadda, ayna masuul ka tahay hagardaamada Maxamed Sheekh Cusmaan loogu diiday xuquuqda muwaaddin kasta uu leeyahay ee ah in uu xilalka guud ee dalka isu soo sharraxo, oo loo doorto ama wax u doorto.














Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment