Daawo Sawirada: Turkiga oo gaadiid dagaal ku wareejiyay DF iyo qorshaha loo adeegsanayo

Bulsha:- Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dowladda Turkiga kala wareegtay gaadiid dagaal oo loogu tala-galay inay ku howl-galaan Ciidanka xoogga dalka, ee dagaalka kula jira argagixisada.

Gaadiidkan ayaa waxaa si gaar ah loogu tala-galay inay isticmaalaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gor-Gor, sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda gaashaandhiga.

Waxaa la wareegay gaadiidkan Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka xoogga dalka, kuwaasi oo ku wareejiyeen Xubno ka tirsan Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan TURKISOM

Xubnaha ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidanka xoogga dalka ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay Gaadiidkaan, iyada oo aysan aheyn markii ugu horreeysay oo dowlada Turkiga ay gaadiid ku wareejiso dowladda Soomaaliya, ayada oo dhowr jeer oo hore sidan oo kale ugu wareejisay.

Turkiga ayaa dowladda Soomaaliya kaa caawiya dhinacyo dhowr ah oo ay ugu horreyso dhismaa ciidamada, waxaana saldhig weyn uu ku lee yahay magaalada Muqdisho.

Caawimaada Turkiga ayaa qeyb weyn ka ciyaarta dadaalada ay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka xoogga dalka ay ku tayeynayaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo dagaal adag kula jira Ururka Al-Shabaab.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment