Daawo Sawirrada: Kooxda Daacishta Soomaaliya oo soo bandhigay dagaal-yahannadooda

Bulsha:- Kooxda Daacish ee faraca Soomaaliya ayaa maanta dagaal-yahano cusub ku soo bandhigtay dhulka buuraleyda ee gobolka Bari.

Dagaal-yahanadaan oo aad u hubeysan ayey kooxdu ku soo bandhigtay xero ku taalla halkaasi, taasi oo lagu magacaabo Abu-Waliid Al-Saxraawe, sida lagu sheegay qoraal ay soo saareen.

Sawirro laga soo qaaday dagaal-yahanadaasi ayaa muujinaya iyaga oo tobabar ku qaadanaya gudaha xeradaasi, kuna hubeysan hub culus iyo kuwo fudud.

Sidoo kale dagaal-yahanada ayaa sameynayey dhoolatus xoogan, iyaga oo xiran dhar tuuta ah, sidoo kalena uu u duubnaa wejiga,

Kooxda Daacish oo si aad ah ugu xoogan maamulka Puntland oo ay dagaal kula jiraan, ayaa waxay muddooyinkii dambe waday is ballaarin, ayada oo dhaq-dhaqaaqyo dhowr ah ka wady buuraleyda gobolka Bari.

Ma aha markii u horeysay ee Daacishta Soomaaliya ay soo bandhigto dagaalyahano ka tirsan oo tobabar ku qaadanaya xerooyin ku yaalla gobolka Bari, waxayna sidan oo kale dhowr jeer u soo bandhigtay dagaal-yahano badan.

 














Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment