Dowladda Somalia oo u digtay dad caqabad ku ah dhismaha wadada Muqdisho iyo Jowhar

Bulsha:- Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha Xildhibaan Cabdullaahi Maxamad Nuur iyo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Xil. Maxamed Aadan Macalin Soomaali Masuliyiinta Shirkadda dhisaysa Wadada Muqdisho iyo Jawhar, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo Injineero kasocday Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa manta kormeer ku tagay dhismaha Wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar oo meel fiican maraya.

Ugu horayntii masuuliyiinta ayaa kormeer kooda ka bilaabay halka uu yaalo qalabka dhismaha ee wadada lagu dhisayo iyagoona mid mid u kor istaagay waxaana faahfaahin kasiiyey masuuliyiinta gacanta ku haysa dhismaha.

Intaa kadibna iyaga oo kormeer kooda siiwata masuuliyiintu waxa ay tageen halka laga qodo kaawada lagu dhisayo wadada, dadka deegaanka ayey uga mahadceliyeen sida ay u garab taaganyihiin dhismaha Wadada.

Ugu Horeeyntii Wasiirka Wasaaradda Amniga Mudane Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa fariin u diray shaqsiyaad uu sheegay inay caqab ku yihiin dhismaha Wadada, islamarkaana aan Wadada marnaba loojoojin doonin.


Ugu Dambeeytii Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Xil. Maxamed Aadan Macalin Soomaali ayaa sheegay in lasoo gabagabeeyey intii badnayd dhismaha waxa uuna u mahadceliyey ciidanka sugaya ammaanka Wadada iyo Dadka deegaanka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment