DAAWO: Feysal Waraabe oo difaacay Boqor Buurmadow oo yiri “Al-Shabaab waa dowlad Dir hoggaamiso”

Bulsha:- Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe, ayaa difaacay sheegashadii Boqor Buurmadow ee aheyd in Al-Shabaab ay yihiin Dowlad labaad oo ka dhisan koonfurta Soomaaliya, taas oo ay hoggaamiso beeshiisa (Dir).

Boqor Cismaan Buurmadow oo ka qeybgalayay xaflad ka dhacaysay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Axmed Godane oo ahaa hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab, uu ahaa beeshooda, ayna ka xumaayeen dhimashadiisa.

Feysal Cali Waraabe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay tahay wax aan la aqbali karin maanta la yiraahdo raalli-gelin ha bixiyo Boqor Cismaan Buurmadow, oo u gurmaday dadka Koonfureed.

“Waar ma ninka idiin soo gurmaday (Buur-madow) ayaad leedihiin Xaal bixi, maxaa Xaal looga bixin waayay markii uu Xasan Sheekh Aas-qaran u sameeyay Samatar oo na xasuuqay, markii Farmaajo isla sawiraray Tuke” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment