Maxaa ka jira inay heshiiyeen Saciid Deni iyo hoggaanka PSF?

Bulsha:- 48-dii saac ee lasoo dhaafay kooxda Saciid Cabdullaahi Deni waxay si weyn u faafiyeen inay PSF ogolaatay heshiis iyo isbadalka ay dalbadeyn Deni iyo kooxdiisa Aaran Jaan.

Warkaan waxaa si weyn u faafiyey jamaahiirta aaminsan Saciid Deni, si aan wax uga ogolaano waxaan la xiriirnay hoggaanka PSF waxayna xaqiijiyeen inaysan jirin wax wada-hadal ah oo dhex maray hoggaanka PSF iyo Saciid Cabdullaahi Deni.

Waxay sheegeyn inay joogaan goobihii ay ka joogeyn Magaalada Boosaaso, balse ay dib uga laabteen dufeysyadii ay dhawaan dhigteyn si aysan Magaalada ugu muuqan mid colaadi ka jirto.

Deni ayaa isagana dib u celiyey ciidan uu dhawaan dul dhigay goobaha ay PSF ka dagantahay Magaalada Boosaaso.

Isimada hoggaamiya dhaqanka Puntland ayaa dhawaan la xiriiray hoggaanka ciidanka PSF iyo Saciid Cabdullaahi Deni labaduba, waxayna u sheegeyn inay masuuliyadda qaadan doonto ciddii gacan ka hadalka bilowda, balse waxaa jira warar sheegaya in kooxda Aaran Jaan ay ka go’an tahay in awood ciidan lagu kala baxo.

Waxay magaalada Garoowe ka direyn Nin la yiraahdo General Jimcaale si uu PSF ugu weeraro Magaalada Boosaaso kadib markii ciidankii halkaas u joogay ay diideyn inay weeraraan PSF.

General Jimcaale weli ma uusan tagin Boosaaso, deegaanada dhexe ayuu weli diyaar garow ka wadaa, laakiin waxaa la xaqiijiyey inuu xoogaa ka caga jiidayo inuu dagaalkaas hoggaamiyo. Ciidanka uu wato ma tiro badna marka lala barbardhigo PSF.

Saciid Deni waxaa la sheegay inuu la xiriiray ciidanka Mareykanka ee AFRICOM oo iyagu bixiya tababarka, saanadda iyo tababarka la siiyo ciidanak PSF oo hadda ka hor yimid hab-dhaqanka Saciid Cabdullaahi Deni, waxaase la sheegay inuu kala kulmay jawaab aan fiicneyn oo ah inuusan weerarin ciidanka PSF.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment