Cali Guudlaawe oo la kulmay qaar ka mid ah duubabka dhaqanka Hirshabelle

Bulsha:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay qaar kamid ah duubabka dhaqanka Hirshabeelle.

Madaxweynaha iyo duubabka dhaqanka ayaa iska xog waraystay xaaladaha guud ee deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay duubabka doorka muuqda ay ku lahaayeen dhismihii Dowladda Hirshabeelle iyo doorkii muuqda ay ku lahaayeen dowlad dhiskii Soomaaliya, isagoo u sheegay inay door muuqda ku yeelan doonaan doorashada Golaha Shacabka oo si daah furan uga qabsoomi doonta Hirshabeelle.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli aysan weli ka bilaaban doorashada Golaha Shacabka dowlad goboleedka Hirshabelle.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar aan la xaqiijin oo sheegaya in doorashada golaha shacabka ee lagu waday in lagu qabto magaalada Beledweyne loo soo wareejin doono caasimada dalka ee Muqdisho.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment