Cali Yare oo digniin udiray boqor buur madoow & hadalkii saameynta Abuuray

Bulsha:- Gudoomiye kuxigeenka Amniga maamulka gobolka banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali yare) ayaa si kulul uga hadlay war kasoo baxay Boqor cusmaan aw maxamuud (buur madoow).

Cali yare ayaa ku tilmaamay hadalka Boqorka mid aan laga fiirsan uu ku amaanay doorkii dhiig daadinta ee Hogaamiyihii Al Shabaabka la dilay 2014-kii Axmed Cabdi Godane.


Xilliga uu jeedinayey khudbada amaanta ah ee Boqor Cusmaan Buur madoow waxaa hareera taagnaa Wasiirka waxbarashada Soomaaliya xilligaan Cabdullaahi Abuukar Carab iyo xeer ilaaliyihii hore ee qaranka dr Axmed Cali Daahir.


Axmed Cabdi Godane ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradaha mareykanka ka fuliyeen deegaano katirsan gobolka Shabellaha Hoose,iyadoo dilkiisa kadib shabaabku magacaabeen Amiirkooda cusub oo ah Axmed Abu Cubeyda.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment