Boqor Buurmadow oo raali-gelin iyo fasiraad ka bixiyey hadalkii muranka dhaliyey

Bulsha:- Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow oo shi jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa ka hadlay hadalkii uu dhawaan sheegay ee muranka badan dhaliyey.

Boqor Buurmadow ayaa sheegay in fasiraad qaldan laga bixiyey hadalka uu sheegay kaasoo uu ku sheegay inuu ahaa hadal uu ka jeediyey kulan Beeleed isla markaasna wuxuu xusay inuu hadalkaas ahaa mid kaftan ah.

” Hadalkii aan dhawaan ka sheegay shirkii Beeleedka ahaa waxaa loo dhigay meel aan biyo dhiciisa aheyn waana la siyaasadeeyey” ayuu yiri Boqor Buurmadow.

Wuxuu sheegay inuusan taageersaneyn cid kasta oo dhiigga dadka Soomaaliyeed daadisay haddii ay ahaan laheyd qaab diimeed iyo qaab kalaba.

” Waxaan joogay oo ka hadlayey waxay aheyd Qado Beeleed, madax dhaqanka marka ay isku yimaadaan way kaftamaan, kasftan Beeleed buu ahaa, wixii ehel ahaa ee dhibaato loogu geystay mid mabda’, mid diimeed, fikir cid aaminsan tahay oo aan aniga aamisaneyn lagu geystay, Qarax loogu sameeyey, la dhibay aad iyo aad ayaan uga xumahay, hadalkeyga ma uusan aheyn dhiiragelin aan ku taageerayo fikirka xagjirka ah mana u aqaan mid saxan” ayuu yiri.

Boqorka ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatadii hadalkii uu sheegay loogu geystay wasiiro iyo siyaasiyiin kasoo jeedo Beeshiisa ee ka qeybgalay soo dhaweyntiisa.

” Waxaan ka xumahay in dadkii dhibaatada ay u geysteen Al-Shabaab looga dhigay inaan taageersanahay dhibka ku dhacay, waxaan caddeynayaa in aanan raali ka aheyn, aniga Shabaab Dowlad uma aqaano” ayuu raaciyey hadalkiisa.

Ugu dambeyntii Boqor Buurmadow ayaa sheegay inuusan is adkeeneyn sida siyaasiyiinta qaar balse uu raali gelin buuxda siinayo shacabka Soomaaliyeed ee dhibsaday hadalkii dhawaan kasoo yeeray.

Raali gelinta Boqo Buurmadow ayaa kusoo aadeyso xilli uu dhaleeceyn badan kala kulmay qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo dadka Soomaaliyeed.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment