Dawladaha Khaliijka Oo Cayrinaya Safiirada Lubnaan

Bulsha:- Dawladaha Sacuudi Carabiya, Baxrayn iyo Imaaraadka ayaa u yeeray safiirrada Lubnaan ee ku sugan dalalkooda, waxayna udhiibeen warqad cabasho ah oo ay kaga soo horjeedaan hadalkii ka soo yeeray Wasiirka Warfaafinta Lubnaan George qardahi ee ku aadanaa dagaalka Yemen.

Mr Qardahi waxa uu dagaalka Yemen ku tilmaamay mid iska ciyaar ah, isla markaana ay waajib tahay in la joojiyo, waxa uu sidoo kale sheegay in waxa Xuutiyiintu wadaan ay tahay is-difaac ka dhan ah gardarada sucuudiga, kolkaa oo uu wasiirku ka qeyb galyay Barnaamijka “Baarlamaanka Shacabka” oo Isniintii la soo dhaafay soo baxay.

Shalay oo Jimce ahayd, Sacuudi Carabiya ayaa u yeertay safiirkeeda u jooga Lubnaan si ay wada tashi ula yeelato, waxayna sidoo kale ka codsatay safiirka Lubnaan u fadhiya Boqortooyada inuu ku baxo 48 saacadood gudahood.

War-saxaafadeedka rasmiga ah ee arrintan la xiriira ayaa lagu sheegay in dawladda Sucuudigu “ay ku dhawaaqday inay u yeeranayso safiirka u jooga Lubnaan, si ay wada tashi ula yeeshaan, iyo inuu dalka kaga dhoofo safiirka Jamhuuriyadda Lubnaan u fadhiya Riyad, 48 saacadood ee soo socda.”

Sidoo kale boqortooyada ayaa go’aansatay in ay “joojiso dhammaan wax soo saarka Lubnaan ee loosoo dhoofiyo sucuudiga, tallaabooyinka kale oo dhowr ah ayaan qaadi doonaa si aan ugaarno yoolkeena, ayaa lagu yiri bayaanka boqortooyada, Dowladda Sacuudiga waxay sidoo kale xaqiijisay inay muwaadiniinteeda ka mamnuuciday usafridfa Lubnaan, sababo amni dartood.

Maamulka warbaahinta MBC Group oo sucuudiga laga leeyahay ayaa albaabada isugu dhuftay dhammaan xafiisyadooda Lubnaan sida uu sheegay wargeyska “Okaz” waxaana loo arkay talaab dheeri ah oo ka dhan ah Beirut.


Dhankeeda, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Baxrayn waxay ka dalbatay, shalay oo Jimce ahayd, Safiirka Lubnaan ee Manaama, inuu Boqortooyada uga baxo 48 saacadood gudahood, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee baxreyn ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in go’aankeeda uu ku soo beegmayo “iyadoo la eegayo silsilado hadalo aan la aqbali Karin oo gef ah iyo mawqifyo ay saraakiisha Lubnaan soo saareen muddooyinkii u dambeeyay.”

Dhinaceeda dawladda Imaaraatka Carabta ayaa si kulul u cambaareesay hadalkii ka soo yeeray Wasiirka Warfaafinta Lubnaan ee ku aadanaa Isbaheysiga Carabta ee uu Hogaamiyo Sacuudiga ee Yemen kawada hawlgalka military, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa hadalka wasiirka kutilmaantay mid meel ka dhac ku ah wadamada isbahaysiga ee taageeray sharcinimada dawladda Yemen”.

 










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment