Wararkii ugu dambeeyey DAGAALKA kursiga ay isku hayaan Xaaf iyo Qeybdiid

Bulsha:- Qaar kamid ah Odayaasha beelaha Sacad oo kulan ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa ka digay in kuraasta Galmudug ee ka dhiman Aqalka Sare loo xiro cid gaar ah.

Odayaasha ayaa madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor-Qoor ka dalbaday in kuraasta ku dhiman maamulka Galmudug ee Aqalka Sare laga dhigo kuwo furan, si looga baaqsado dib u dhac iyo dagaal.

“Waxaa ka codsaneyna madaxweynaha (Qoor-Qoor) kursigaas in dadka ku tartamaan oo cid gaar ah loo xirin, qof walba codkiisa iyo nasiibkiisa uu ka helo wixii uu calaf u galo,” ayuu yiri mid kamid ah Waxgaradka la hadlay warbaahinta.

“Waxaa soo jeedinayna oo dowladda ka codsaneyna in nala dhaafin oo eex iyo bur-bur uu na galin ayaa ka codsaneyna oo aan helno.”

Sidoo kale waxay sheegen in kursiga ay xaq u leeyihiin beesha reer Odow, islamarkaana ay sanadkaan ayagu xaq u leeyihiin, sidaas darteedna aysan aqbali doonin in cid gaar ah loo xiro.

“Kursiga Senator-ka oo beesha Sacad waxaa maanta tartanka ugu jira Odow, waxaa rabnaa in laga cadaalad sameeyo, waxaana madaxweynaha ka codsaneyna in uu furo oo kursigaas uu dhibaato Galmudug ku soo celin.”

Ugu dambeyntiina waxay odaayasha dhaqanka dalbadeen in si furan u tartamaan musharaxiinta kursigaas, si looga baaqsado xaalado dagaal, islamarkaana lagu kala calaf qaado si xor iyo xalaal ah.


Kursigan ayaa waxaa ku hardamaya madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo horey digniin culus u jeediyey iyo Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo haatan ku sugan jiida dagaalka, isaga oo doonayo inuu difaacdo kursigiisa.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment