Nin si layaab leh uga badbaaday xukun dil oo Al Shabaab ku fulin rabeen

Bulsha:- Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud waxaa ka dhacday nin si la yaab leh inuu kaga badbaaday xukun qisaas ah oo Shabaab ay ku fulin rabeen, xilli ninkaan la keenay fagaaraha.

Ninka ayaa wuxuu ku eedeysnaa dil uu horay ugu gaystay qof shacab ah, waxaana maxkamadda Shabaab ee Gobolka Galgaduud ay ku xukuntay fal qisaas ah.

Boqolaal dadweyne ah ayaa la isugu yeeray Fagaaraha Magaalada Ceelbuur, halkaasi oo ay u daawasho tageen qaabka xukunka uu u dhici rabay, balse iyadoo ay diyaarsan yihiin ciidankii Shabaab ee dili lahaay ninkaasi, ayaa mar kaliya jawiga uu isbedelay.

Qof ka mid ah ehelada ruuxa horay looga dilay, ayaa fagaaraha ka shegay in xukun qisaas ah aanan lagu fulin ruuxaasi, balse ay doorbideen inay qaateen magta ruuxii horay looga dilay.

Arrintaasi ayaa waxa ay noqotay mid la yaab leh oo bulshadii ay ku farxaan, maadaama markii hore laga xumaa xukunka dilka ah ee ruuxaasi lagu fulin rabay.

Maamulka Shabaab ee Degmada Ceelbuur ayaa amray in xarigga laga fur furo ruuxa xukunkiisa uu ahaa in la dilo, waxaana loo kaxeeyay Magaalada gudaheeda kadibna la fasaxay.
Waa markii ugu horeysay oo deegaan Shabaab ay ka taliyaan ay ka dhacdo arrin noocaan oo kale ah oo ruux dil ku xukunaa uu ka badbaado.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment