Bulsha:- War goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan oo katirsan Milatariga Soomaaliya goordhaw xirteen laamiga Isku xira Isgooska Tarabuunka ilaa Isgooska Warshada Caanaha.
Ciidamadan oo aad u hubeesan oo sidoo kale wata gaadiidka dagaalka ayaa sheegay sababta ay wada u xireen ay tahay cabasho ay ku muujinayaan mushaar iyo xaquuq kale ay sheegeen in ay ka maqan tahay.
Goobjooge ayaa noo sheegay in ciidankan gaadiidka ku qabanayana qoryo una diidayaan in laamiga maraan, waxa uuna goobjoogaha sheegay in ciidanka ku andacoonayaan in xaquuaq ka maqan tahay ayna dalbanayaan in la siiyo mushaarka iyo xaqa kale ee ka maqan.
Saraakiil iyo dad kale oo dowlada u shaqeeya ayaa kamid ah dadka loo diiday in ay maraan wadada ay xirteen ciidankan gadoodsan, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in goobta gaareen saraakiil si cabashada u xaliyaan.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment