Xildhibaan taageeray Weerarkii lagu qaaday Masjidyo kuyaala New Zealand oo talaabo laga qaaday

Bulsha:- Xildhibaanada aqalka Senate-ka ee dalka Australia ayaa kalsoonida kala noqday Xildhibaan xagjir ah oo taageero u muujiyay Weerarkii Muslimiinta badan lagu laayay ee ka dhacay masjidyo kuyaala dalka New Zealand.

Fraser Anning, oo ah siyaasi mayal adag oo xagjirnimadu madax martay ayaa jeediyay hadalo caro badan dhaliyay maalintii uu dhacay weerarkii lagu dilay 50-qof oo Muslimiin ah oo ku cibaadeesanayay Masaajidyo kuyaala magaalada Christchurch.

Kulan ay shalay yeesheen Xildhibaanada aqalka Senate-ka ee dalka Australia ayaa lagu cambaareeyay Xildhibaan Fraser, waxa ayna Xildhibaanada taageereen soo jeedin aheyd in kalsoonida kala noqdaan.



Xildhibaanada kalsoonida kala noqday Siyaasigan cunsuriga ah ayaa ku eedeeyay in uu jeediyay hadalo ceeb ah oo abuuraya naceyb iyo kala fogaansho, waxa ayna sheegeen in Xildhibaanada kasoo horjeedaan habdhaqanka Xildhibaankaasi.
Kalsooni kala noqoshada Xildhibaankan taageeray Weerarkii Muslimiinta lagu laayay ayaa lagu sheegay kaliya ay tahay mid cambaareen ah balse aan si rasmi ah u dhaqan galeyn, waxaana Xildhibaanka xilkiisa ku weyn karaa in lagu helo dambiyo ka dhan ah dastuurka, sida in uu heysto labo dhalasho oo dalal kala duwan ah, inuu musuqmaasuq ku kaco, inuu xafiisyo kale si qarsoodi ah uga shaqeeyo ama in dambiyo kale lagu helo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment