Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka socda Gobolka Shabeellaha Hoose

Bulsha:-  Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan waxa ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose.

Ciidamada ayaa dhawaan waxaa ay dagaal kula wareegeen deegaanada Sabiib iyo Baladul-Amiin,waxaana goobha sidoo kale ay dhaq dhaqaaqyada ka wadaan ka mid ah deegaano u dhow degmada Afgooye.

Wararka laga helayo Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda oo wata Gaadiidka dagaalka ay howlgallo ka wadaan deegaano dhowr ah oo ku yaalla Shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaano u dhow Sabiib iyo Baladul-Amiin.
Saraakiisha howlgalka hoggaaminbeysa ayaa waxaa ay dhawaan sheegeen in deegaanka Sabiib ay ku qabteen Gaari Booyad ah oo qaraxyo ay ka buuxeen,isla markaana ay qarxiyeen, sidoo kalena ay qabteen 4 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment