Shaki ka dhashay gaariga la sheegay inuu Muqdisho ku jiro kadib markii Google laga soo helay sawiradiisa

Bulsha:-  Dood weyn iyo shaki ballaaran ayaa ka dhashay baabuur ciidamada booliska Soomaaliya ay sheegeen inuu qaraxyo sida oo magaalada Muqdisho uu ku jiro.

Sawirrada baabuurka ay ciidamada dowladda Soomaaliya soo bandhigeen, ayaa ayaga oo sidooda ah, oo xitaa aan hal shay ka beddelneyn laga helay qeybta sawirrada laga baaro ee Google.

Baraha bulshada ayaa Soomaalida waxay kusoo bandhigeen laba qodob oo ay uga shakiyeen inay dowladda arrintan dadka ku marin habaabineyso oo aysan jirin baabuur ay soo heshay xogtiisa, waxaana ka mid ah:

1 – Goobta uu baabuurka sawiradiisa lasoo bandhigay yaallo ayaa waxay u eg tahay meel aan Soomaaliy ahayn, marka la eego dhismooyinka ku hareerysan baabuurka.

2 – Waxyaabaha kale ee shacabka ay su’aal ka keeneyn ayaa ah in baabuurka uu yaallo meel xiran oo uusan ahayn baabuur socda oo ay qabteen kaamirooyinka waddada ama si kale loo sawiray. Sidaas darteedna,  waxay is-weydiiyeen, haddiiba dowladda ay heshay baabuurka oo ay awood u yeelatay inay sawirro kasoo qaado, maxaysan u qaban oo aysan gacanta ugu dhigin.

Si kastaba, markaan eegnay oo aan xaaladdan cabirnay, waxaa macquul ah in qalad loo fahmay hadalka Zakiya ama ayada aysan dadka si wanaagsan ugu sharxin arirntan.

Waxay u egtahay in dowladda ay heshay xogta baabuurka, sida magaca, model-ka, iyo sanadka, hase yeeshee aysan helin sawiradiisa rasmiga ah, sidaas darteedna ay sawirro u eg kasoo daabacday google, si dadka ugu gartaan baaburkan.

Arrinta noocan ahaa waxaa inta badan sameeya booliska, oo marka aysan helin sawirka baabuurka ay sawiro u eg shacabka tusaan.

Hoos ka daawo Zakiya oo sawirrada baabuurka soo bandhigeysa










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment