Nin dilay dad ka badan 100-Qof oo ka sheekeeyay Dhacdooyin argagax leh

Bulsha:- Dalka Suuriya waxaa ka jira dagaallo muddo toddobo sano socday oo lagu hoobtay. Dowladda madaxweyne Bashar Al Asad ayaa dagaal kula jirta kooxaha mucaaradka iyo kooxo kale oo maleeshiyaad ah. Magaalada waqooyiga ku taalla ee Raqqa waxay ka mid ahayd goobaha sida wayn loogu dagaalamay. Halkan waxaan idinkugu soo gudbinaynaa, dhacdada nin ka mid dibadbaxyaasha ka soo horjeeday dowladda oo isu baddalay inuu noqdo qof dadka laaya.

Sheekadan soo socota waxaa ku jira qoraallo ka shakaynaya jirdil, dadka qaarna waxaa laga yaaba inay ka naxaan, magaca Khaalid ma aha magaciisa rasmiga ah.

Khaalid uma fudadayn inuu subax kasta ku kallaho magaalada Raqqa si uu u go’aansado inuu noqdo dilaa.

Waxaa loo soo diray casuumaad gaar ah.

Lix nin ayaa lagu amray inay tegaan garoon ku yaallo magaalada xalab ee waqooyiga galbeed ee Suuriya, halkaasoo uu tababare Faransiis ah uu bixinayay tababar la xiriira sida dadka loogu dilo bastoolad, hub iyo gantaalba.

Waxay barteen sida dadka loo dilo iyo inay dhibaateeyaan maxaabista.



Wuxuu sheegay khaalid ” in dilalka inta badan lagu fulin jiray mooto, waxaad u baahantahay inaad qaadato mooto uu qof kale kuu wado si aad u toogasho u fulisid”

Khaaliid ayaa kamid ahaa taliskii ciidammada ee loo xilsaaray ammaanka magaalada Raqqa.
Wuxuu BBC-da u sheegay markii dagaalka Suuriya uu billaabmayay sanadkii 2011 in uu ahaa nin nabadda iyo diinta jecel.

Wuxuu sidoo kale sheegay in markii ugu horreysay ee uu ka qayb qaato dibadbaxa looga soo horjeeday dowladda uu dareemay cabsi iyo welwel uu ka qabo falcelinta dowladda.

Maalin ayaa xabsiga loo taxaabay khaalid.

“Waxaa la ii qaaday xarunta ciidamada dambiyada, waxaana la igu sii wareejiyay laamaha amaanka ee u qaabilsan siyaasadda, ilaa la ii sii gudbiyo xabsiga dhexe oo aan muddo hal bil ah ku qaatay, ka hor inta aanan xoriyaddaydu dib u helin” ayuu yiri khaalid.

Intii uu xabsiga ku jiray wuxuu sheegay in mid ka mid ah ilaalada uu jirdil ku sameeyay isaga, laguna khasbay inuu jilbaha u dhigto sawirka madaxweyne Assad.

Wuxuu askarigaasi igu oran jiray ” waxaan rabaa inaad geeriyooto oo ay gacantaydu sabab kuu noqoto”

Khaaliid ayaa xabsiga ka soo baxay isagoo curyaan ah.

Khaalid ayaa yiri “waxaan go’aansaday – waa haddii aan badbaado – in aan dilo askarigaasi, meel kasta ha joogee, xitaa haddii uu aado magaalada Dimishiq, waana khaarijin doona”

Markii uu xoriyaddiisa dib u helay khaalid wuxuu billaabay mucaaradad ka dhan ah dawladda.

Wuxuu sheegay inuu caawiyay 35 ka mid ah ciidamada dowladda si ay u soo goostaan, qaar kamid ahna wuu soo afduubtay.

Mararka qaarkood, wuxuu ka dhawaajiyay inuu dadka weydiiyay askarigii dhibaatada u gaystay ilaa uu ka hello, wuuna helay gurigiisa”

Waxaan xasuusiyay waxyaabihii ii ugu oran jiray marka aan xabsiga ku jiray oo ay ka mid ahayd.

“Haddii aad ka badbaado xabsigan oo ay ku suuragasho inaad i hesho aniga ha ii naxariisanin”

“Waxaan geeyay beer ku taallay agagaarka xabsiga dhexe, qorta ayaan ka jaray anigoo isticmalaya middi, carabkiisa ayaan maqas ku jarjaray, weli kama aarsanin” ayuu yiri khaalid.

Kooxda IS ayaa lacago ku soo iibsanaysay hoggaamiyeyaasha mucaaridka si ay ugu biiraan kooxda. Khaalid waxaa loo magacaabay taliyaha ammaanka, xafiisna waa la siiyay.

Wuxuu rumaysanaa in haddii uu diido dalabkaasi la dilayo.

Wuxuu sheegay inuu dilay illaa 16 qof xilligii uu IS ka mid ahaa oo uu ku dilay bastoolad iyagoo guryahooda jooga.

Khaalid wuxuu sheegay in inta badan noloshiisa uu ku jiray inuu is difaaco.

“Dambi ma aha waxa aan sameeyay, sababto ah marka uu qof kula hortaagan yahay hub, uuna garaacayo aabahaa, dilayana walalkaa iyo qaraabadaada, ma aamusi kartid, cid kaa horjoogsan kartana ma laha inaad ka falceliso”

Waxaan gacantayda ku dilay in ka badan 100 qof dagaal aan kaga soo horjeeday dowladda iyo kooxda IS, kama qoomamaynayo arrintaasi, sababtoo ah Illaahay wuxuu ogyahay in aanan dilin shacab iyo qof aan dambiile ahayn”

Khaalid ayaa yiri ” marka aan ka tagey Suuriya, waxaan noqday qof rayid ah, hadda qof kasta oo igu yiraahda hadallo qalafsan jawaabtaas ayaan siinayaa”

Xigasho BBC










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment