Xil. Faaduma ‘’Farmaajo iyo Waare waxa ay Beledweyne ku booqdeen barakacayaal hal dhinac ah’’

Bulsha:-  Xildhibaan Faaduma Faarax oo kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa si caro leh uga hadashay dhibaatooyinka ka taagan Gobolka Hiiraan iyo booqashada Madaxda halkaasi gaaray.

Xildhibaan Faaduma waxa ay sheegtay in dhibaatada ka dhacday Gobolka Hiiraan ay si wada jira u saameysay shacabka ku dhaqan Gobolka, hase ahaatee Madaxda booqday Gobolka ay gaareen keliya deegaano gaara.

‘’ Waxaan qirayaa in booqashada Madaxweynaha iyo kan Hirshabelle ay aheyd mid ku eg deegaano gaara, dadka dhibaateysan waxaa kasoo suka maray kuwo aan waxba kala kulmin fatahaada iyo roobabka’’.

‘’Booqashada Madaxweynaha waxaa hogaaminaayay Hogaamiye Waare oo madaxda u hogaamiyay keliya hal deegaan oo ay degan yihiin hal beel’’

Xildhibaanada ayaa tilmaantay inay muhiim tahay in Madaxda dalka ay si wada jira u booqdaan dadka ay saameyntu ku yeelatay fatahaada, iyadoo aan lagu ekaaneynin meelo gaara.
Haddalka Xildhibaan Faaduma Faarax, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo dadka qaar ay weli yihiin kuwo aan ka dhex bixin biyaha kusoo rogmaday ee ka dhashay fatahaada iyo roobabka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment