Taliyaha Hoggaanka Baarista dambiyada ee C.I.D oo ka qeyb galay munaasabada tababarka loogu soo xirayay ciidanka booliiska ayaa uga mahad celiyay dowlada Jabuuti taageerada ay siiso ciidanka booliiska Soomaaliyeed.
Ciidamadan booliiska Soomaaliya katirsan ee tababarka loo soo xiray ayaa soo bandhigay gaardo ka ciyaar , waxaana goobta gaardo ka ciyaarka ciidanka kusoo bandhigayeen ku sugnaa saraakiil iyo masuuliyiin katirsan dowlada Jabuuti.

Dalka Jabuuti ayaa kamid ah dalalka sida weyn uga taageera dowlada Soomaaliya tababarida ciidanka gaar ahaan booliiska, waxaana horey dalkaasi loogu soo tababaray saraakiil iyo ciidamo badan.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment