Maxkamadda sare ee magaalada Johannesburg ayaa ku heshay Sandile Mantsoe in uu toorey ku dilay kadibna Meydkeeda gubay si uu u qariyo Karabo Mokoena oo 22-sano jir aheyd saaxiibna la aheyd.
Dilka foosha xun uu ninkan u geestay gabadha saaxiibta la aheyd ayaa si weyn looga carooday dalka Koonfur Afrika, waxaana dadka baraha bulshada isticmaala gaar ahaan dumarka bilaabeen adeegsiga astaantan #MenAreTrash.
Dalka Koonfur Afrika ayaa kamid ah wadamada ugu badan caalamka ee ka dhacana kufsiga dumarka loo geesto, waxaana sanadkii dalkaasi laga diiwaan galiyaa In kabadan 40,000 oo kiis oo kufsi ah.




Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment