Madaxwayne Uhuru Kenyatta; ”Soomaaliya waxaa dhibaato ku haya dad ajaaniib ah”

Bulsha:- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa qudba uu u jeediyay shacabka dalkiisa waxa uu ku soo hadal qaaday xaalada dalka Soomaliya isagoo sheegay in dad aan u dhalan wadanka Soomaaliya ay dhibaato ku hayaan.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in gobolka uusan ammaan noqoneyn illaa dalka Soomaaliya uu noqdo dal xasiloon.

“Gobolku ma aha nabad,Soomaaliya waxaa dhibaato ku haya dad ajnabi ah kuwaasoo wiiqa dowlada isla markaana kala qeybiya shacabka Soomaaliyeed,waxayna halis ku yihiin kuwaas in dib loo celiyo guulaha ay gaareen AMISOM.”ayuu yiri Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo aan carabka ku dhufan dadka ajaaniibta ah ee dhibka ku haya dowlada Soomaliyeed.

Madaxweynaha Kenya ayaa ballanqaaday in ay sii wadi doonaan kaalmada ay dowladiisku ka geysanayaan xasilinta dalka Soomaaliya illaa dalka Soomaaliya ay dowladeedu noqoto mid awood leh.

“Walaalaheena Soomaaliyeed haddii horumar gaaraan annagana waa horumaraynaa, haddii ay amni helaan annagana waan heleynaa, waa siyaasadeena in aan ka caawino sidii ay u heli lahaayeen nabada iyo barwaaqada ay caanka ku ahaayeen.”ayuu yiri Uhuru Kenyatta.
Madaxweynaha dalka Kenya oo qudbadiisa ka jeedinayay baarlamaanka dalkiisa ayaa waxaa uu sidoo kale ugaga hadlay xaaladaha ka jira gudaha dalka Kenya iyo caalamkaba.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment