Lacagtii Imaaradka ee Muqdisho lagu qabtay oo la ogaaday halka la geeyey

Bulsha:-  Sida aad warkeena hore ku akhrisateen waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Maanta kasoo dagtay diyaarad lacag badan u siday Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho

Diyaaradda siday shixnada lacageed ayaa waxaa la socday Ciidamo Imaaraadka Carabta ka tirsan oo gaarayay illaa 30 askari, waxaa wararka qaar sheegayaan in lacagta ay siday ay gaareysay illaa 14 milyan oo dollar.

Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen saraakiil ku sugan garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho, saraakiil ka tirsan nabad-sugidda Soomaaliya  ayaa la wareegtay lacag $14 Milyan ah.

Lacagtan oo laga lahaa dalka Imaaraadka ayaa Abu Dhabi waxaa ay ku doodeysaa in ay tahay mushaar ay leeyihiin ciidamada ay ku tababarto maamul goboleedka Puntland iyo Banaadir.

Sida aan warar ku helnay ciidamo Soomaali ah ayaa difaacay aragtida Imaaraadka, laakin NISA ayaa ka diiday, waxaana lacagta loo qaaday Bangiga dhexe si loo sameeyo baaritaan dheeraad ah.

Diyaaradda siday lacagtaan ayaa markii hore ka dagtay Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland waxaana soo baxayo warar sheegayo inay halkaas ku dajisay lacag kale.

Safaaradda Imaaraadka ee Magaalada Muqdisho ayaa waraaq codsi ah u dirtay  Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod, waxayna ka codsatay inuu usoo fasaxo Diyaarad uga imaaneyso Magaalada Boosaaso oo u sido  lacago mushaaraad ah iyo Raashin.

Taliye Gorod ayaa waraaq fasax  ah u qoray Maareeyaha Dekadda Muqdisho isagoo ka codsaday in Diyaaradda Lacagta iyo Raashinka wado loo fasaxo Safaaradda Imaaraadka Carabta.

Maareeyaha oo xilligaas maqnaa ayaa waxaa joogay ku xigeenkiisa wuxuuna ku gacan seyray inuu aqbalo codsiga ka yimid Taliye Gorod, waxaana sidaas lagu hakiyey diyaaradda.
Muran fara badan ayaa ka dhashay in diyaaradda la baaro iyo in kale, waxaana dood badan kadib nabadsugidda go’aan ku gaartay in diyaaradaan la baaro isla markaasna la ogaado waxa ku jiro.

Waxaa si lama filaan ah loogu dhex arkay lacagtaan aadka u tiro badan, waxayna Safaaradda Imaaradka isku dayday in lacagtaas loo fasaxo balse ugu dambeyn waxaa lagu shubay Bankiga dhexe ee Soomaaliya.

Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan lacagtan oo laga war hayay inay ka soo dageyso garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Waxaan wax yar kadib idinla wadaagi doonaa cidda lacagtaas loo waday iyo shaqada lagu qaban rabay Inshaa Allah.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment