Qoraalka Wasaarada ayaa waxaa lagu bogaadiyay Ciidamada ammaanka qeybahooda kala duwan oo ka hortagay in ay shacab waxyeelo ka soo gaarto laba qarax gaadiid oo maleeshiyada al-Shabaab Jimcihii ina dhaaftay ay la eegteen laba Kontorool oo ku kala yaalla wadada aada Garoonka Diyaaradaha iyo Isgoyska Banaadir.
Wasaarada Amniga Xukuumadda Somalia ayaa intaa kadib Shacabka Muqdisho la wadaagtay ineysan jirin Ciidamo laga qaaday Isgoysyada magaalada Muqdisho, waxaana war-saxaafadeedka lagu sheegay in Wasaaradda Amniga Gudaha ay wado qorshe dib u habeyn oo Ciidamada ay ku sii xoojinayaan Amniga iyo ilaalinta bedqabka muwaadinka.

Wasaaradda Amniga Gudaha waxay beenisay in magaalada Muqdisho ay kala xiran tahay, waxayna ku tilmaantay wararkaasi mid dacaayad been abuur ah.
Beeninta Wasaarada ayaa imaaneysa xili Sabtidii shalay aheyd la qaaday Ciidanka Xasilinta ee ku sugnaa dhawr Kontorool oo ku yaalla Muqdisho, waxaana lagu soo bedelay Ciidamo Boolis ah oo ammaanka xaqiijinaya, baarayana gaadiidka kala duwan.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment