Safaaradda Imaaraadka ee Magaalada Muqdisho ayaa waraaq codsi ah u dirtay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod, waxayna ka codsatay inuu usoo fasaxo Diyaarad uga imaaneyso Magaalada Boosaaso oo u sido lacago mushaaraad ah iyo Raashin.
Taliye Gorod ayaa waraaq fasax ah u qoray Maareeyaha Dekadda Muqdisho isagoo ka codsaday in Diyaaradda Lacagta iyo Raashinka wado loo fasaxo Safaaradda Imaaraadka Carabta.
Maareeyaha oo xilligaas maqnaa ayaa waxaa joogay ku xigeenkiisa wuxuuna ku gacan seyray inuu aqbalo codsiga ka yimid Taliye Gorod, waxaana sidaas lagu hakiyey diyaaradda.
Muran fara badan ayaa ka dhashay in diyaaradda la baaro iyo in kale, waxaana dood badan kadib nabadsugidda go’aan ku gaartay in diyaaradaan la baaro isla markaasna la ogaado waxa ku jiro.



Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment