Deg deg: Jawaari oo ogolaaday inuu Iscasilo iyo Wararkii ugu dambeeyay

Bulsha:-   Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay dhinacyo kala duwan ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu aqbalay inuu is casilo, kaddib wada xaajood xalay saqdii dhexe socday.

Waxaa la sheegay  in kulan xalay dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Jawaari la isku afgartay in xaalada taagan la soo afjaro, iyadoo uu aqbalay  Gudoomiye Jawaari inuu is casilo.

Wada hadalada ayaa la filayaa in maanta uu ku soo biiro Ra’iisul Wasaare Kheyre, waxaana jiri doono kulan gaar ah oo ay qaadan doonaan Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Saddexda Guddoon.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada taageersan Guddoomiye Jawaari ayaa xaqiijiyay in Mr Jawaari uu aqbalay inuu is casilo, Sidoo kale Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in Jawaari is casilay, isla markaana la laalay Mooshinkii.
Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan xarunta golaha Shacabka ayaa  sheegay in Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Cabdiweli Muudey u yimid xarunta golaha Shacabkana una aqriyay Warqada is casilaada.

Gudoomiye Cabdiweli Muudey ayaa sheegay in Gudoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu is casilay isaguna uu ka aqbalay, waxa uuna ka dalbaday Xildhibaanadii joogay xarunta golaha shacabka in ay kala tagaan .










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment