Xildhibaanadii Mooshinka ka geeyay Gudoomiye Jawaari oo sheegay in uusan burin Mooshinkaasi

Bulsha:- Xildhibaanada Mooshinka ka geeyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka hor yimid go`aankii ka soo yeeray Gudiga Badbaadada Golaha shacabka ee ku aadanay in uu jabay ama buray Mooshinka ka dhanka ahaa Gudoomiye Jawaari, kaas oo ay u cuskadeen buriddiisa in uu dhaafay waqtigii 10ka maal mood ahaa ee loo madalsanay in lagu dhameeyo muranka iyo is qab qabsiga la xariira arimaha Mooshinka, basle uu dhaafay waqtigaasi isla markaana uu yahay mid Buray.

Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Deeriye oo ka mid ah xildhibaanada mooshinka ka geeyay Jawaari ayaa sheegtay in hadalka ka soo baxay Gudiga badbaadinta Golaha Shacabka uu yahay mid lagu marin habaabinayo shacabka Soomaaliyeed, isla markaan uu halkiisii yahay Mooshinka laga geeyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Maalmihii dambe ayaa waxaa soo badanayay hadalada isbeeneenta ah ee ay isu jeedinayaan Gudoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanadaba, lama oga qaabka uu ku dhamaan doono Khilaafka siyaadsadeed ee hareeyay hay`ada sharci fulinta iyo sharci dajinta, iyadoona xaalada ay u muuqato mid mugdi lugaha la sii galeyso.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaannadii xalay ku shiray Muqdisho ee sheegay in uu bur buray mooshinka ka dhanka ah Jawaari ay ka mid ahaayeen xildhibaanno ka mid ah aqalka sare.

Xildhibaan Dhalxa oo wareysi siiyay Idaacadda Mustaqbal ayaa isweydiiyay goorta la isku daray xildhibaannada labada aqal ee Golaha aqalka sare iyo kuwa shacabka ee xalay halmeel wada fadhiyay.

Waxaa uu sheegay in Dastuurka dalka lagu xadgudbayo islamarkaana ay taas keeni karto in Booliska iyo Taraafikada oo isku milma sidaas darteedna loo baahanyahay in laga waantoobo.

Aqalka sare ayuu sheegay in uu leeyahay xeerar u gaar ah waxaana uu ku tilmaamay faragelinta lagu hayo golaha shacabka gaar ahaanna xildhibaannada aqalka sare.
Xildhibaanku waxaa uu Guddoomiyaha Golaha aqalka sare ugu baaqay in uu xildhibaannadiisa cishto haddii ay dhici weysana ay imaneyso in marka iyaga ay is qabsadaan ay faragelin ku sameyn doonaan kuwa Golaha shacabka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment