Guddigii Aqalka sare oo sheegay inay Bur-burtay waan waantii ay wadeen

Bulsha:- Guddigii Aqalka sare ee loo xil saaray xalinta khilaafka Golaha Shacabka ee ka dhashay mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay inay burburtay waan waantii ay ka dhex wadeen Guddoonka Golaha Shacabka.

Guddigan ayaa kulamo dhowr ah oo saacado qaatay la yeeshay labada dhinac, waxaana ku adkaatay in meel dhexe la isugu yimaado, si khilaafka loo xaliyo iyo in sida sharciga qabo lagu xaliyo.

Wararka ayaa sheegaya in labada qodob ee la isku hayay oo ay wadeen Guddiga Aqalka sare uu ahaa in Ciidamadii la geeyay xarunta laga qaado iyo in la isku afgarto xilliga mooshinka la horgeeynayo, iyadoo labada dhinac raalli isaga yihiin.

Guddiga Aqalka Sare ayaa horay u soo saaray in mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari lagu horgeeyo Golaha muddo 10 cisho oo ka soo bilaabata 18-ka bishan, kuna eg 28 oo xalay saqdii dhexe ku ekeyd, hase ahaatee aanay ku suura gelin in mudadaas lagu horgeeyo.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment