Sacuudiga ” Reer Galbeedka ayaa nagu amray inaan maalgelino Wahaabiyada iyo Iskuulo badan”

Bulsha:- Marar badan ayaa dadka aan wax badan ka ogayn siyaasadaha Dunida iyo kuwa maskaxda Laga badaley ay dadka Ku waaleen in Boqortooyada Sacuudigu Masaajid iyo madarasado badan dhisto si ay u faafiso diinta Islaamka isla markaasna tahey Boqortooyo barakeysan.

Halka qofkii Laga maqlo warkaas wax ka badalan ama su’aal ka keena la oranjirey waa cilmaani diin iyo Carab diid ah.

Asbuucaan waxaa saxaafadda Adduunka la Hadley Amiirka awooda badan ee ah dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salman, wuxuuna sheegay in awalba saaxiibadooda Reer Galbeedku ku amreen in ay maal galiyaan masaajid iyo madarasado badan iyo wadaada Wahaabiyada ah, si looga hortago saamaynta Midowgii Suufiyeed iyo Iraan, isla markaasna ay siyaasadooda dhex marsadaan dadkana lagu gaado arrimaha diinta Islaamka.

Waxaa kale oo Amiir Salaam sheegay in haddana Boqortooyadu arrimahaas faraha Kala baxeyso maadaama Saaxiibadood reer Galbeedku kula taliyeen.
Amiirka ayaa hadalkaan sheegay markii uu Wareysi qaatay 75 Daqiiqo uu siiyey Wargeyska Washington Post maalintii ugu dambeysay ee Booqshadiisa dalka Mareykanka.

Hadalkaan ayaa wax badan oo mugdi ku jiray banaanka keenay, wuxuuna amiirka ballan qaaday in arrimahaas dhan ay Sacuudiga faraha kala bixi doonto.

Dowladda Sacuudiga ayaa muddo badan lagu eedeenayey inay faafineyso waxyaabo badan oo dhibaato ku ah Diinta Islaamka waxaana hadda muuqato inay Sacuudiga si caadi ah u caddeysaneyso waxyaabihii ay qarin jirtay muddo badan.

Halkaan hoose ka akhriso wareysigiisa oo dhameystiran

https://www.rt.com/news/422563-saudi-wahhabism-western-countries/










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment