Tanzania oo sheegtay in Al-shabaab ay dalkeeda saldhigyo ka sameysanayaan

Bulsha:-  Dowladda Tanzania ayaa sheegtay in markii ugu horreysay ay xaqiijisay in Xarakada Al-shabaab ay saldhgyo ciidan iyo xarumo dadka lagu tashkiiliyo ka sameysanayaan dhulka Keymaha ah ee dalkaas.

Dowladdu waxaa ay sheegtay in tan iyo 2016kii Al-shabaab ay dhallinyaro ka qoranayeen daafaha Magaalada xarunta ah ee Daar Salaam iyaga oo siinayay tababarrada Ciidanka sidoo kalena barayay xagjirnimada.

Taliyihii hore ee Booliska Magaalada Daar Salaam Simon Sirro,ayaa sheegay in dhowr jeer ay weerareen saldhigyo ay Al-shabaab ku leeyihiin degaannada baadiyaha ah gaar ahaan dhulka kheyraadka hodanka ku ah ee Dalka Tanzania halkaas oo hadda Al-shabaab ay ka billaabeen deegaameynta.

Waxaa uu xusay in Booliska Daar Salaam ay gacanta ku dhigeen wiil 9 jir ah oo ay ka qabteen Xero ay ku weerareen Al-shabaab,kaas oo sida uu sheegay Booliska ku ay sheegeen in ay ka qaadeen Qori uu watay.

Sidoo Ciidanka Tanzania ayaa weeraray Saldhigyo ay ku tuhmayeen Al-shabaab oo ku yaalla Gobolka Xeebta ah ee Dalka Tanzania,kaas oo lagu magacaabo ikindu .
Ciidamada ayaa helay xog ay siiyeen dadka degaanka ah oo ah in Rag hubeysan ay joogaan keynta Kilongoni ee Gobolka Xeebta ah ee Vikindu.

Ciidanka ayaa halkaas ka xir xiray dhowr qof oo lagu tuhmayay in ay yihiin kuwa tababarrada bixiya,waxaana halkaas ka socday xagjireyn iyo tababar Ciidan.

Saraakiisha u hadashay Ciidanka Tanzania waxaa ay sheegeen in Qof lagu magacaabo Saleebaan ay u qabteen arrintan kaddib markii la ogaaday in uu Gurigiisa ku marti qaaday Ragga la tuhmayo in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment