Bulsha:- Yariisow Oo Ka hadlay Xilka Gobolka Banaadir ee dhawaan loo doortay isagoo kawarbixiyay sida ay Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaaraha ugu .
Wasiirkii hore ee warfaadinta xukuumadda kheyre C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa ka hadlay xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo loo magacaabay.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa saaka xilka looga qaaday Thaabid Cabdi Maxamed waxaana lagu magacaabay C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow.
Wasiirkii hore ee Warfaafinta haddana ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa soo dhaweeyay magacaabistiisa Guddoomiyaha Gobolka.
Yariisow ayaa sheegay in xilkan uu si wanaagsan uga soo baxayo maaddaama sida uu yiri uu ka soo shaqeeyay qeybbaha kala duwan ee dowladda islamarkaana uu awood u leeyahay in uu ka shaqeeyo wada shaqeynta shacabka iyo Dowladda dhexe.

Yariisow ayaa hadalkaan kasheegay asagoo ka qeybgelayay Munaasibad lagu xusayay sanadguurada 45 aad ee Saxaafadda Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu madaxda uga mahadnaqayo xilka cusub ee ay u magacaabeen.
ugu danbayntii Ra’isalwasaaraha iyo Madaxweyne ayuu uga mahad celiyay sida ay kalsoonida u siiyeen uguna aaminiin in uu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir sidoo kalena ah duqa Muqdisho.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment