Wasaaradda Amniga gudaha Afghanistan ayaa shaacisay in 5 Qof ay dhinteen,lix kalena ay dhaawacmeen,iyada oo Ciidamada amaanka ee Hotelka gurmadka u galay ay badbaadiyeen 150 Qof oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa Hotelka.
Hotelka la weeraray ayaa lagu magacaabaa Intercontinental,waxaana sidan oo lale 2011kii la weeraray ku dhintay 20 Qof,iyada oo markaas ay Dalibaan sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.
Weerarka xalay ilaa saaka ma jirto ilaa hadda cid sheegatay waxaase la filayaa in Daalibaan ama Daacish ay midkood sheegtaan.
Weerarkan waxaa uu ku soo aaday iyada oo safaaradda Mareykanka ee Kabul ay digniin u jeedisay Hotellada Kabul in ay la kulmi doonaan weerarro argagixiso.



Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment