MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Khudbad Kaftan iyo Qosol badan kasoo Jeediyey Carmo iyo Soo dhowayntii

Bulsha:-  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaadhay degmada Carmo ee Gobolka Bari, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay. iyadoona Safarka madaxweynuhu yahay mid dhinaca dhulka ah.


Dad weyn aad u fara badan oo ruxayay caleemo qoyan ayaa madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa soo dhoweeyay degmada Carmo ee gobolka Bari,waxaana Madaxweynuhu la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka degmadaasi,isago uga mahadceliyay sida wanaasgan oo ay u soo dhoweeyeen.

Madawaynaha ayaa shacabka kula Kaftamay ” Qardho waxa laygu gudoonsiiyay Faras, waaciye waxa laygu gudoon siiyay Geel, Hadana Carmo waxa laygu gudoon siiyay Dhul, maanta kadib Halkan Hantidayda ayaan usoo Doonan “
Wafdiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa degmada uga gudbay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari,iyadoo haatan shacabka magaalada Boosaaso ay waddooyinka ku sugayaan wefdiga.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment