Keating oo Biixi ku adkeeyay inaan laga gudbin 5 qodob oo muhiim u ah wada shaqeynta (Akhriso)

Bulsha:- Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland gaaray Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Micheal Keating.

Socdaalka Keating  ee magaalada Hargeysa ayaa ku saleysnaa dajinta xeer hoosaadka ay kuwada shaqeynkaraan QM iyo maamulka cusub ee uu Hogaaminaayo Muuse Biixi.

Keating, ayaa Biixi u sheegay inay ahmiyad u arkaan in la dhowro xeer hoosaadka ay kuwada shaqeyn jireen QM iyo maamulkii hore ee Siilaanyo waxa uuna sheegay inay sii socon doonto wada shaqeynta.

Keating, waxa uu Muuse Bixi u sheegay in laga doonaayo ilaalinta xeerka wada shaqeyneed iyo in Beesha Caalamka ay Somaliland u ictiraafsan tahay maamul ka tirsan Somalia, sida maamulada kale oo ay kamid tahay Puntland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo HirShabelle.

Keating, waxa uu Mr Biixi u sheegay in ujeedka ugu weyn ee socdaalkiisa Hargeysa uu yahay in maamulka cusub loo dulmaro qodobada sharciga ah, markii laga soo tago rabitaanka gaarka ah.

Keating, waxa uu Muuse Biixi xusuusiyay inay mudan tahay inaan la faragalin qodobada kala ah:

1-Deeqaha DFS ay u qoondeyso maamulka Somaliland si lamid ah deeqaha la siiyo maamulada kale.

2-In hawada Somalia laga sii maamuli doono magaalada Muqdisho isla markaana Somaliland laga doonaayo in wixii maamulka Hawada ah ay ku feesho DF.

3-Dhowrista wada shaqeynta maamulka kala dhexeysa QM.

4-In maamulka cusub ee Somaliland uu maanka ku hayo in adduunka uu u ictiraafsan yahay inay raacsan yihiin Somalia inteeda kale, markii leyskala soo tago rabitaanka gaarka ah.

5-Ilaalinta degnaanshiyaha iyo Nabada labada dhinac, iyadoo wixii soo kordhaa ay dib ugu soo laaban doonaan QM.

Ergeyga QM Keating waxa kale oo uu ka hadlay doorka kaga aadan dagaalkii Somaliland iyo Puntland ku dhex maray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, isagoo sheegay in xalka arrintaasi aanu ku jirin iska hor imaad ciidan hase ahaatee ay isku dayayaan sidii loo yarayn lahaa xiisadda u dhaxaysa labada dhinaca.

Dhinaca kale, Hogaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa Keating u sheegay inay kawada xiriiri doonaan wixii dheeri ah si looga gaashaanto dhibaatooyin soo laalaabta.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment