LA OGAADAY: Maxuu kala jeeday Dabaal Dagii yaabka lahaa ee xalay uu Sameeyay Neymar?

Bulsha:- Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa daqiiqadii 53aad goolka hore u dhaliyay kooxdiisa Paris St-Germain ciyaartii xalay 2-0 ay ku dhaaftay naadiga Amiens xili ay iska xaadiriyeen semi-finalka koobka Faransiiska ee League Cup.

Goolhayaha Amiens, Regis Gurtner ayaa casaan la siiyay kadib markii uu si qaldan u raacay weeraryahanka PSG Kylian Mbappe.

Neymar ayaa gool rigoore ahaa ugu daah furay kooxdiisa ka hor inta Adrien Rabiot madaxa ku dhalin goolka labaad ee Paris St-Germain.

Sikastaba ha ahaateen Neymar ayaa dabaal deg layaab leh sameeyay markii uu goolka koowaad xalay u dhaliyay kooxda Paris Saint-Germain.

Neymar waxa uu sameeyay dabal degii uu caanka ku noqday Ronaldo Nazario intii uu ciyaarayay koobkii adduunka 1998dii, kadib markii uu madaxa saartay mid kamid ah koobihii uu ku ciyaarayay.

Sidookale dabaal dega Neymar ayaa loo micneeyay inuu xayaysiin u sameynayay shirkadda Nike oo uu heshiis waqto dheer ah kula jiro.

Ciyaaryahankan reer Brazil ayaa haatan PSG ugu dhaliyay goolal  afar tartan oo kala duwan sida Ligue 1, Champions League, France Cup iyo France League Cup.
PSG ayaan wax guul darro ah la kulmin 35 kulan oo xiriir ah oo ay ka ciyaarta tartankaan, waxaana ugu dambeysay guuldarro kasoo gaarta afar sanno ka hor.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment