Injineer Yariisow oo loo magacaabay gudoomiyaha gobolka Banaadir

Bulsha:-  Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir u magacaabay Cabdiraxmaan Cismaan Cumar (Injineer Yariisow).

Warkan ayaa lagu shaaciyay bayaan uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo oo lagu baahiyay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliya ee Sonna.

Warka Sonna ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu go'aankan gaaray kaddib markii uu arkay soo jeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, wadatashina uu la sameeyay, islamarkaasna dhageystey talooyinka Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiye Taabit Cabdi Maxamed, ayaanan ilaa iyo hadda wax war ah arrintan ka soo saarin.

Gudoomiye Taabit Cabdi Maxamed
Wararkii ugu horreeyay ee saaka soo baxayay ayaa sheegaya in ciidamo gaar ah oo ka tirsan kuwa ammaanka ee Soomaaliyaay la wareegeen xafiisyada xarunta dowladda hoose ee magaalada Muqdisho.

Dhammaan waxaa xiran waddooyinka xaruntaasi soo gala, waxaana xarunta hadda si buuxdo gacanta ugu haya ciidammo gaar ah.

Arrintan ayaa daba socotay kaddib markii xalay xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, gudoomiyayaasha degmooyinka iyo kuxigeenadooda ay xarunta maamulka uga dhawaaqeen inay laba sanno xilka ugu dareen gudoomiye Taabit Cabdi Maxamed.

Gudoomiye Taabit Cabdi Maxamed ayaa markii hore xilka ku yimid digreeto ka soo baxday Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment