Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan uu maanta soo saaray kaga hadlay cida iska leh go’aan ka gaarista maqaamka caasimadda Dalka.
go’aan gaarista maqaamka caasimadda ayaa lagu sheegay in loo raacayo sida uu dhigayo qodobka 9-aad ee Dastuurka.
Sidoo kale, guddoonka golaha shacabka ayaa sheegay in golaha shacabku leeyahay awoodda mataaladda shacabka Soomaaliyeed sida uu qabo qodobka 63-aad ee dastuurka, loona baahan yahay in lagu xormeeyo gudashada waajibaadkiisa.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku baaqay in la dhowro dastuurka iyo Dowladnimada,ka go’aan gaarista maqaamka Caasimaduna ay tahay awood gaar u ah Baarlamaanka.

Go’aanka Guddoonka Golaha Shacabka Hoos Ka Akhriso:-

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment