Bayaan oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa walaac looga muujiyay go’aanka haliska ah ee uu qaatay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
“Bayaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan go’aanka Maraykanka ee Magaalada Barakaysan Al-Qudus
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay si dhow ula socotay, iyada oo ka walaacsan go’aanka halista ah ee uu qaatay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump kaasoo uu ugu aqoonsaday magaalada barakaysan ee Al-Qudus in ay caasimad u tahay Israa’iil.
Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Maraykanka in ay si dhab ah uga fiirsato halista go’aankan uu ku leeyahay mustaqbalka dalalka Bariga-dhexe iyo guud ahaan Caalamka.
Sidoo kale, Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dalalka Carabta, Islaamka iyo guud ahaan Caalamka in ay sii laba-laabaan dadaalkooda ku aaddan xal u helista Qadiyadda Falastiin si looga gudbo xasillooni darrada haraysay Gobolka.
Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda waxaa ay la diyaar yihiin markasta taagerada iyo garab istaagga shacabka Falastiin sidii ay u hanan lahaayeen xuquuqdooda dowladnimo.”

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment