Digniinta Mareykanka ayaa imaaneysa kaddib warar sheegaya in madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas laga yaabo inuu isaga baxo qorshaha la kulanka madaxweyne ku xigeenka Mike Pence.
Xubin sare oo ka mid ah xisbiga madaxweyne Cabaas ee Fatah, ayaa sheegay in Mr Pence “aanan lagu soo dhaweyn doonin Falastiin” booqashada uu ku imaan doono Falastiiin sababa la xiriira go’aankii Trump uu ka qaatay Qudus.
Mr Pence ayaa lagu wadaa inuu booqdo Bariga Dhexe, dhammaadka bishan.
Kolsii horeysay, in ka badan 30 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhaawacmay isku dhacyo ku dhexmaray ciidamadda Israa’iil iyo dibad-baxayaal Falstiiniyiin ah, magaalada la heysto ee Daanta Galbeed.
Dibab-baxayaasha reer Falastiin ayaa ka careysnaa go’aankii madaxweyne Trump uu ugu dhawaaqay Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil.
Sikastaba, Kaaliyaha Aqalka Cad ayaa sheegay in kulanka uu sidiisa u dhici doono

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment