DAAWO: Soomaalidii ugu Badnayd oo Oromadu Dishay, Dhimashada 65-Qof iyo Sida wax u dhaceen oo laga Hadlay

Bulsha:- Ugu yaraan 65 qof oo Soomaali ah ayaa lagu dilay xadka ay wadaagaan dowlad degaanada Oramada iyo Soomaalida ee dalka Itoobiya, waxaana dilay ciidamada la sheegay inay yihiin kuwa ay leedahay degaanka Oramada.

Dadka la dilay ayaa ku wada sugnaa hal meel, oo markii hore loogu sheegay in lagu Sugayo Amnigooda, Waxaana la sheegay inay soo weerareen ciidamada Oromada kadibna ay laayeen, kaddib markii ciidamada Liyuu Boolis deegaanka Soomaalida ay isku dhaceen Askar ka tirsan ciidamada Oromadda.

Madaxa Warfaafinta deegaanka bariga Harerge ee dowlad gobolleedka Oromada, Cabdirisaaq Maxamed oo la hadlay laamaha Itoobiyaanka ee afafka Oromada, Tigreega iyo Axmaaradda ee VOA, ayaa tirade dadka dhintey ku sheegay 14 qof.


Meesha ay dadkaan la laayay ay ku suganaayeen ayaa aheyd goob horay ay kaga jirtay Cabsi, waxaana la sheegay in dadkaasi ay waardiyeen jireen ciidamada Xoogga dalka Itoobiya, Iyadoona Horaantii sanadkan ayuu bilowday isku dhacyadda u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromadda, waxaana ay iska dileen dad badan .










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment