Bulsha:- Lammaane isku galmooday isagoo ku sugnaa maqaayadda caanka ah ee biisaha laga iibsado ee Domino Pizza Outlet taasoo ku taalla gobolka State of Michigan ee dalka Mareykanka.
Warbaahinta ayaana haatan sheegeysa in lammaanahaan digniin kama dambeys ah la siiyey isla markaana loo sheegay in laga yaabo inay wajahaan ciqaab xabsi ah.
Daniella Hirst ayaa lagu magacaabaa gabadha, halka seygeeda lagu magacaabo Craig Smith, labadaan shaqsi ayaana galmo ku sameeyeen goobtaan macaamiisha badan ay ka adeegtaan.
Maxkamadda Scarborough Magistrates Court ayaana ku eedeysay lammaanahaan inay ugu yaraan muddo 30 daqiiqo ah ku baashaalayeen goob aan loogu talogalin, sidaas darteed laga yaabo inay xabsi galaan.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment